Hadii aadan CAASI WAALID ahayn akhriso waa kuu muhiime -qormo

Bulsha:- Hooyo Waa Midaan Xaqeeda La Gudi Karin, Waxayna Mudan Tahay Qaddarin Iyo Maamuus Aad U Weyn, Wax Kasta Oo Ay Diidan Tahayna Iyada Daraadeed Ayaa Looga Tagaa Aan Ka Ahayn Diinta!

Runtii Lama hayo taariikhda diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin. maxaa yeelay, hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto calool-ku-qaadida, sidista, hawsha iyo xanuunka dhigitaanka ama foosha iyo barbaarinta ilmo kasta.

Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi- oo in badan ka gabyay hooyada iyo doorkeeda ayaa tixdiisa “Anuun baa hooyadaa ah” waxa uu ku soo qaatay siday ugu dhabar-adaygaan hooyooyinku dhibta hooyannimada iyo hawleheeda, wax uu yidhi isagoo ku hal-qabsanaya hooyo la hadlaysa wiilkii ay dhashay:

¤ Calooshu intay ku hoysey
¤ Hiyigu ku baxnaaninaayey
¤ Horraadka intaad jaqsiisay
¤ Dhabtaydu intay ku haysey
¤ Intaad huwanayd taftayda
¤ Hobeeya hobey hobeyda
¤ Intaan dusha kuugu heesay
¤ Intaan hanad kuugu yeedhay
¤ Hawraaraha kugu ammaanay
¤ Intaan hubin kuu xambaaray
¤ Dartaa u hoggaansanaaday
¤ Hadhuubada aan ku siiyey
¤ Habniin adigoo ku diidey
¤ Intaan hambo kuu daboolay
¤ Hammuun iyo gaajo qaatay
¤ Adoo haqab-beel ku seexday
¤ Intaan hurdo kuu illaaway
¤ Ilaashay hareerahaaga Diinta

Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaanna ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay ka aabbaha, sida ku cad suuratu Luqmaan – aayadda 14aad – iyo suuratul Axqaaf -aayadda 15aad – u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudidda Ilaahay.

Xadiisyada ku soo arooray xaqa hooyadu aad bay u badan yihiin, waxanse ka soo qaadanaynaa dhawr ay ka mid yihiin: Nin ayaa u yimid Nebiga-csw- isaga oo weydiinaya,” yaa iigu mudan dadka inaan u sama-falo?” Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay,” Hooyadaa”, ninkii waxa uu haddana weydiiyay “yaa ku xiga?” Nebigu-csw- waxa uu ku jawaabay “Hooyadaa”, ninkii waxa uu mar labaad ku celiyay “yaa ku xiga?” Nebiguna waxa uu ugu jawaabay,”Hooyadaa”, ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay ” yaa ku xiga?” markaas ayuu Nebigu ugu jawaabay “Aabbahaa”.
Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafsiinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay “Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqqeedii?”, Nebigu waxa uu ugu jawaabay ” maya, xattaa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyinkeedii”. xadiiskanina waxa uu cadeynayaa in inta waalid loo sama-falaa aanay marna waxba ka gudayn xaqqa uu kaa mudan yahay, ee aynu ka garan karayno culayskiisa inta aayado iyo axaadiis ka hadlay.

Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yidhi, “Rasuul Allow, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaadyada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso”. Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay, “haa”, dabadeed Nebigu waxa uu ku yidhi, “u sama fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa lugaheeda. U sama falka hooyada waxaan uga jeednaa wanaajinta la dhaqankeeda, xaq-dharkeeda, u furfurnaanta iyo u debecsananaanteeda, ku adeecideeda wixii aan ahayn macsiyo- ama denbi- iyo la socodsiinta iyo weydiisashada oggolaansheheeda dhammaan hawlaha aad ku kacayso, xattaa hadii aad u baxayso Jihaad, waa inaad oggolaansho ka heshaa.

Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxa ka mid ah, in diinteenu Islaamku ay ina farayso in loo sama-falo hooyada, xattaa haday hooyadu tahay mid aan haysan diinta Islaamka, isagoo Nebigu-csw- faray Asmaa Bintu Abubakar inay u sama-fasho isla markaana si fiican u xudhiidhiso hooyadeed oo aan ahayn Muslimad. Islaamku, si uu u ilaaliyo hooyannimada xaqqeeda iyo dareenkeedaba, waxa uu caddeeyay in hooyada la furay ay xaq u leedahay hayntiyo  xanaanaynta ilmeheeda, ayna ka mudan tahay iyadu aabbaha dhalay ilmahaas, sida ay dhigayaan qisooyinkani: Sida uu werinayo Cabdilahi bin Cumar bin Caas -RC- gabadh ayaa u timid Nebiga -SCW- iyadoo ku doodaysa in inankeedii ay dhashay, ee ay caloosha ku qaaday, ee naas nuujisay, uu aabbihii oo iyada furay rabo inuu ka qaato. Nebigu -SCW- waxa uu ugu jawaabay, “adigaa ku xaq leh inta aanad guursan”. Sidoo kale ayaa Cumar Bin Khadaab -RC- wuxuu furay xaaskiisii Ansaariyadda ahayd ee u dhashay wiilkiisii Caasim.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar uu kula kulmay suuq ku yaala meel u dhaxaysa Madiina iyo Quba, iyadoo wadata inankeediina. Cumar waxa uu isku dayay inuu ka qaato wiilkiisa, waanu ka qaatay, kadib wiilkii yaraa waa uu ooyay, waxaanu ku yidhi,”Aniga ayaa kaa mudan wiilkayga”. Markii ay ku murmeen ayaa waxa la iskula tagay Abuubakar, si uu ukala xukumo. Abuubakar waxa uu go’aamiyay in wiilka ay xaq u leedahay hooyadii, waxaanu u sheegay Cumar in gurigeeda iyo gogosheeduba ay uga fiican yihiin wiilka, inta uu korayo ee u gaadhayo heer uu kala dooran karo.

Hooyadu waxa ay leedahay xaqqa ugu badan ee qof leeyahay, mana bannaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xattaa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan, hadii ay hooyo ka dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waaa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda. Xadiis uu werinayay Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydiinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, madaama ay adeecidda hooyadu ka horreyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqqa waalidka. Hooyo Allow Dhawr,











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment