Habka ugu haboon ee aad ugu jawaabi karto qof aadan rabin oo jaceyl kuu soo bandhigto (Talooyin Muhiim ah )

Bulsha:- Qofka ku jecel waxa ay marwalbo kaaga baahantahay xushmad iyo in aad marwalbo u dhimriso waxaase mararka qaar dhacdo in qof aadan jecleyn uu kuu qaado jaceyl xad dhaaf ah haddaba maanta Markacadey.net waxey ku bareysaa qaabka aad u wajihi lahayd haddii qof aadan rabin uu kuu soo bandhigto Jaceyl .

– hadal kulul ha ugu jawaabin : dareenka qalbiga ka yimaado qofna ma xukunto ee waa wax uu eebe ku beero habada qofkan jaceylka kuu soo bandhigtay kasoo qaad adiga oo kale oo u muuji sidii aad jeclaan lahayd in laguula dhaqmo .

– Maya toos ah haku oran : iska jir in aad diidmo qayaxan ka hor geyso taas oo laga yaabo in qalbigiisa ay wax yeelo u geysato oo aad ku reebto dhaawac Nolashiisa aan ka harin.

– Haye been ah qalbi dajis ha uga dhigin : isja jir in aad Haye aan qalbiga jirin oo iga sii jeedi ah aad ku tiraahdo ruux jeceyl kusoo bandhigtay Markacadey.net waxay kuu xaqiijineysa qofkii aad sidaas yeesho inadan qalbi u dajin oo aad u horseedi doonto qalbi hur iyo kalsooni daro Farabadan .

Ugu danbeyntii waxaan kugula talineynaa in aad Maskax dagan ku qaabisho jawaabta aad siineyso Ruuxa aadan rabin oo jaceylka kuula yimaado hana isku dayin inaad isla markiiba jawaab siiso u sheeg in aad u baahantahay waqti aad kaga soo fakarto , kulankiina labaadne ha noqdo adigoo qorshihii aad ku wajihi lahayd Soo dajistay .










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment