Dhakhaatiir Si Layaableh Dhulka Iskugu Daadisay Kadib Markii ay kasoo Bexeen Qalliin Qaatay Muddo aad U dheer

Bulsha:- Dadka baraha bulshdu ku wada xiriirto adeegsada, ayaa faafiyay sawirka labo dhakhtar oo dhulka jiifa, qolka qalliinka, kadib markii ay ku jireen shaqo muddo 32saacadood oo xiriir ah, taas oo ay qalliin maskaxda ah ay qof ku sameynayeen.

Sawirka waxaa ka muuqda labada dhakhtar oo wata dharka qalliinka lagu sameeyo, waxayna hurdaan dhulka, iyadoo uu ka muuqdo daal farabadan, laakiin waxaanay sheegin dadkii sawirka soo dhigay halka iyo goobta qaalliinku ka dhacayay.

Dadkii ka hadlay sawirka ayaa muujiya sida ay ugu faraxsan yihiin shaqada ay dhakhaatiirtu qabteen, iyadoo waliba sawirka lag dheehan karo iney dhakhaatiirtu ku guuleysteen qalliinka maadama mid kamid ah uu calaamadda guusha uu gacantiisa midig ku muujinayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment