Dhacdo Naxdin leh: Nin Facebook Live soo dhigay Isagoo dilaya Gabadhiisa oo aan sannad jirsan!!!

Bulsha:- Nin ayaa bartiisa Facebook si toos ah u soo dhigay isagoo dilaya Gabadhiisa oo aan sannad jirsanin halka isagana uu markii dambe isdilay.



Boliska dalka Thailand ayaa sheegay in Ninkaasi uu sawir isaga qaaday isagoo dilayo gabadhiisa oo 11-bilood jir, ka hor inta uusan is-dilin.



Ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jirey Wutisan Wongtalay ayaa la arkayey isagoo gabadhisia yar xarig qoorta kga xiray, kadibna ka soo lalminayo Saqafka guri aan la deganayn oo ku yaalla Degmadda loo dalxiiso tago ee Phuket.



Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in maydka ninkaasi laga dhinac helay maydka gabadhiisa, inkastoo uusan Facebook toos u soo dhigin qaabkii uu isku dilay.



Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa sheegay inay ka naxeen dilkaasi, waxayna xuseen inay Hawada ka saareen dilkaasi foosha xun.

 

Isbuucii hore, Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay dib-u-eegayso sidii loo ilaalayn lahaa muuqaaladda dilalka ee la soo dhigay Barta Facebook.



Bartamihii bishan, Nin lagu magacaabo Steve Stephens oo deggan Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka waxa uu si Toos Facebook-iisa u soo dhigay isagoo tooganayo qof jidka marayey.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment