Daawo:- Wasiir C.raxmaan Xaashi oo Kaga Farxiyey Kalluumaystada Somalia Iyo Qorshe Balaadhan oo uu Shaaciyey

Bulsha:-  Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka qeybgalay bandhigga caalamiga ah ee cunnooyinka badda ee magaalada Brussels, ayaa sheegay inay horumarinayaan wax soo saarka cunnooyinka badda ee dalka.


Bandhiggan oo ay ka qeybgaleen shirkado kalluumaysi iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd in la kobciyo suuqa cunnooyinka badda laga soo saaro ee caalamka.

Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa waxaa aad u yar dadka cuno cunnooyinka noocaasi ah sida kalluunka, maadaama ay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya, Dr Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa BBC-da u sheegay inay sare u qaadayaan wax soo saarka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda ee dalka.

Waxa uu khadka telefoonka ee Brussels ugu warramay weriyaha BBC-da, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment