Boqorka Sucuudiga oo Seefta galka kala baxay & Wasiir go’aan adag laga qaatay

Bulsha:-  ­Boqor Salman­ka Sacuudi Carabiya ayaa xilka ka xayuubiyay Wasiirkii shaqada dalkaasi oo lagu helay kiisas Musuq ah.

Boqorka ayaa xil ka qaadista kadib amar ku bixiyay in la baaro Wasiirka shaqada ee xilka laga qaaday kadib markii lagu helay musuq iyo takri falay awoodda xafiiskiisa,  Xil ka qaadista uu boqorka sameeyay kadib ayuu ku baaqay arrimaha soo socda:

1- ­In dhammaan xarumaha dowlada lagu wargalinaayo in Safiirka dalkiisa u fadhiyey Maraykanka uu ku bedelay wiilka uu isagu dhalay ee Amiir Khalid.

2- ­In la sameeyo xarun nabad sugidda qaranka ah oo toos u hoos timaadda xafiiska boqorka.

3­- In dib loo bilaabaayo lacagta gunada ah ee lasiin jiray shaqaalaha dawladda iyo ciidanka.

Talaabadaani ayaa timid kadib markii uu boqorka soo food saaray tuhun muujinaaya in loo baahan yahay in isbedel lagu sameeyo dowlada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment