Baarlamaanka Jarmalka oo mamnuucay indho shareerka haweenka muslimiinta

Bulsha:-  Xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Jermalka ayaa meelmariyay sharci qayb ahaan mamnuucaya xirashada indho shareerka Muslimiinta.

Biilkan ayaa hadda la horgayn doonaa aqalka sare e baarlamaanka si loo meelmariyo.

Shaqaalaha dawladda, garsooreyaasha iyo askarta ayaa laga hor istaagi doonaa in ay shaqada indho sharer ku xirtaan.

Xisbiyada dhanka midig xiga ayaa u ol’olaynayay in dalka oo dhan laga mamnuuco in indho shareer lagu xirto goobaha ay bulshadu isugu tagto.

In kabadan hal milyan oo soogalooti ah oo badan kood ay yihiin Muslimiin bariga dhexe ka tagtay ayaa galay Jermalka 18kii billood ee la soo dhaafay.

Arrintaas waxaa dabosocday weeraro kala duwan oo ay qaadeen dad jihaad doon ah, waxaana ka mid ahaa midkii Baarliin ka dhacay maalintii iidda masiixiyiinta ee loo adeegsaday gaariga, kaas oo ay ku nafwaayeen 12 ruux.

Wasiirka arrimaha gudaha Thomas de Maiziere ayaa sheegay in arrintan lagu mamnuucayo indha shareerku ay muujinayo sida dhaqamada kale looga dulqaadan doono Jermalka.

Xisbiyada garabka midig xiga ee Jermalka ayaa doonaya in lagu daydo Faransiiska oo meelaha bulshadu isugu timaado ka mamnuucday xirashada indho shareerka tan iyo sanadkii 2011ka.
Bishii Desembar ee sanadkii hore ayay Angela Merkel ku baaqday in indho shareerka laga mamnuuco meel kaste oo sharcigu ogol yahay, iyada oo sheegtay in uusan munaasab ku ahayn dalkeeda.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegeen in mamnuucitaankan uu saamayn yar yeelan doono maadaama ay dalkaas ku nool yihiin Muslimiin yar.

Wasiirka arrimaha dibadda Thomas de Maiziere ayaa sheegay in arrintan ay muujisay heerka uu gaari karo dulqaadka dhaqamada kale

Xigasho: BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment