Arrimaha Layaabka Dunida: Gabadh 5-Jir Lagu Guursaday 8-Jirna Lagu Furay!

Bulsha:- Dhacdooyinka qaar ayaa layaabkooda ka sakow, dadka maqla ama goob jooga u ah ku noqda, wax aan maskaxdu qaadi Karin oo aad xaqiiqada uga fog, tusaale ahaan sheekada qormadeena maanta, oo ku saabsan gabadh carruur ah oo u dhalatay dalka Sudan, taas oo shan jir iyadoo ah, nin loo guuriyay, sideed jirkeedina laga furay.

Sheekadan oo noqotay mid aad loga wada maqlay dalka Suudan, isla markaana ku baahday dunida inteeda kale, ka dib markii wakaaladaha wararka ee dunidu baahiyeen, waxa ay ka dhacday degaanka dhibaatada colaadaha iyo qalalaasaha siyaasadu ka taagan yihiin dalkaas ee Daarfuur.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, gabadhan yar ayaa abaaheed siiyay, nin ka codsaday inuu inantiisa u guuriyo, wakhtigaas uu ogolaaday inuu gabadhiisa u guuriyo, waxa ay da’deedu ahayd shan jir, mana jirin wax balanta iyo isa siinta meherka dhaafsiisan oo ay ka wada shuruutameen.

Odayga dhalay gabadhan yar ayaa u safray, magaalada Daciin lagu magacaabo ee koonfurta dalka Sudan, gaar ahaan gobolka Daarfuur, waxaanay halkaas ku kulmeen nin sadex iyo afartan jir da’diisu tahay, kaas oo ka dalbaday, inuu gabadhiisa siiyo, isna uu ka ogolaaday, lacagtii meherka ahayd-na, uu ka tirsaday, taas oo ilaa labo kun oo gini qiyaasteedu ahayd.

Gabadhan yar Ayaan iyadu waxba kala socon in aabaheed bixiyay, sababtoo ah, carruurnimo haysay iyo fikirkeeda oo aan gaadhsiisnayn heer ay ku garan karto, guur iyo nin iyo wax ku saabsan midna.

Laakiin sida abtigeed warbaahinta u sheegay, hooyada dhashay gabadhan yar ayaa markii ay ka war heshay, xaalka si adag uga dagaalantay, waxaanay nidar ku martay in aanu ninkaasi arki doonin gabadheeda ilaa ay ka gaadhayso, da’da sharcigu ogol yahay oo ah shan iyo toban jir.

Markii muddo sadex sanadood gaadhaysa uu ninkii la siiyay gabadhan yari ka maqnaa, ee da’deedu marayso, sideed jir ayuu bilaabay inuu codsado in xaaskiisa loo soo wareejiyo oo ay aqal galaan, laakiin waxa ku gacan saydhay hooyadeed.

Waxa intaa ka dib uu ninkii la siiyay gabadhan yar uu bilaabay, isku dayo uu ku donayo sidii uu u kaxaysan lahaa, waxaanay taasi gaadhay in dhawr jeer uu isku dayay inuu afduubto, ama wakhtiyada saqda dhexe u soo dhaco.

Dhamaan isku dayadaas, markii uu ku guul daraystay ayaa gabadhan yar loola soo baxsaday, xarun carruurta lagu daryeelo oo ku taala magaalada Kharduum ee caasimadda u ah dalkaas, waxaana si deg deg ah arrinteeda u galay, ururo ka hawl gala, xuquuqda carruurta iyo gabdhaha yaraanta lagu bixiyo.
Dacwad wakhti kooban qaadatay, ka dib ayaa ururkii difaacayay qadiyada gabadhan yari waxa uu ku guulaystay, in ninkaas laga fasaqo, ka dib markii loo adeegsaday, shuruucda dalkaas uga dhigan, guurka iyo da’da la ogol yahay gabdhaha in loogu guuriyo, taas oo shan iyo toban jir ah, waxaana maxkamadu ay amar ku bixisay, in laga furo, isagana saman qabasho ah loo jaro, hadduu diido go’aanka maxkamada.

Gabadhan yar ayaa sida warbaahinta dalka Suudan ku warantay, noqonaysa qofkii ugu da’da yarayd aduunka inta taariikhda casriga ah lagu hayo, ee iyadoo sideed jir ah, warqada furiinka ama dalaaqa lagu magacaabo ka qaadata Maxkamad, wallow ninka laga furayo aanay guri wada gelin oo aanay oori iyo ninkeed isku noqon, haddana waxa shan jirkeedi ku dhacay, nikaax halka sideed jirkeedina uu dalaaq kaga dhacay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment