Akhriso: Hadalkii Cali Dheere oo saameyn ku yeeshay goobaha waxbarashada Ee Magaalada Muqdisho

Bulsha:- Markii uu dhawaan Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Dheere soo diray fariin ku aadan inay weerari doonaan Jaamacadaha iyo Iskuulada ku yaalla dalka ee lagu dhigo Manhajyada kale ayaa waxaa soo baxaaya in qoysaska qaar ay bilaabeen in Carruurtooda ay ka hakiyaan waxbarashada.

Hanjabaada Cali Dheere kadib ayaa waxaa hoos u dhacay tirada Ardayda ee u waxbarasha taga Jaamacadaha iyo Iskuulada magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.

Macalin Saciid Maxamed ”Faragaab” oo kamid ah Macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hanjabaada Al-shabaab ay saameyn ba’an ku yeelatay waxbarashada.

Macalin Saciid waxa uu sheegay in Jaamacadaha iyo Iskuulada aysan shaqo ku laheyn dowlada iyo Al-shabaab, waxa uuna sheegay in haddalka kasoo yeeray Al-shabaab uusan aheyn mid loogu daneynaayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxkabarta goobaha waxbarasho.

”Anagu shaqo kuma lihin dhinacyada isku heysta dalka waxaa arrin murugo leh nagu noqotay go’aanka ay Al-shabaab ku iclaamiyeen in weeraro ay ka fulin doonaan goobaha waxbarasho ee dalka”

”Waxaan dalban laheenay in Al-shabaab ay dib uga laabato go’aankaasi waayo dhalinyarada iyo carruurta wax la baraayo waa kuwa mustaqbalka yaanan loo tiirin dhinac gaar ah”

Hooyo Safiyo Sheekh Axmed oo kamid ah hooyooyinka carruurtooda kala baxay iskuulada Muqdisho ayaa sheegtay in maadooyinka laga dhigo Iskuulada ay yihiin kuwo ku baxa Carabi isla markaana u badan diini, balse waxa ay sheegtay in xiligaani aysan diyaar u aheyn in lagu dul gorgortamo carruurteeda.

”Seddex carruur ah ayaan dhalay waxaan Iskuulka uga saaray Hanjabaada Al-shabaab waayo anigu diyaar uma ihi in ley dhigo carruur la’aan maadaama aan arkay dhibta ay leedahay weerarada Al-shabaab”
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ay Al-shabaab ku shaaciyeen inay ku weerari doonaan Jaamacadaha iyo Iskuulada ayaa u muuqanaaya mid lagu indha tiraayo mustaqbalka dhalinyarada dalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment