4 sheey oo kuu sahlaayaa inaad jaceyl ku abuurto gabar qurux badan

Bulsha:- Dadyoow Badan oo dunida ku nool oo leh da’ kala duwan ayaa isku howlo, dadaal dheerna geliya sidii ay u kasban lahaayeen qalbiga Qof ay Jaceyl (Caashaq) u qabaan.

Laakiin Ma hubiyaan marxaladaha iyo taloobooyinka ku haboon ee ay qaadaan, si ay u soo leexiyaan, una hantaan qofka ay jecel yihiin, waxayna la kulmaan Guul darooyin, isku daygooda ka hor yimaada.



Dadka Qaar waxay aaminsan yihiin in guuldarooyinkaasi ay sabab u yihiin, xiliyada ay soo gudbinayaan dareenkooda jaceyl oo aan munaasab aheen, hadaba maanta waxaan idiin wadnaa qababka ugu sahlan aad qof ku ugu beeri karto jaceyl

Waco (call) qofka xiligi uu seexan rabo
Isku day in aad noqoto qofka ugu dambeeya ee la hadla qofka aad dooneesid, bini aadamka ayaa ka siman in xiliga hurdada ka hor uu qofka qalbigiisa fikiro wuxuuna ka fikiraa hadaladii ugu dambeeyay ee idin dhexmaray, qofka ayaa bilaaba in uu fikiro, fikirka badan ayaa marka dambe isku badla saameen jaceyl, waana wax la hubo in aad kasban doonta qalbiga qofka, ku dadaal in aad noqoto qofka ugu dambeeyay ee la hadla.

Xiliga firaaqada (fasaxa)
Ha isku dayin in aad la kulanto qofka aad dooneeso meel buuq badan ama dadka ku badan yihiin, isku day in aad qofka kula kulanto meel cidla ama jawi dagan labadiina idiin saamaxayo in aad is dhaafsataan aragti, jawiga cidlada ah wuxuu ka qeeb qaadanayaa in aad qofka qalbigiisa gaarsiiso dareenkaaga, halka jawiga buuqa sita uu kaa  nusqaamin doono in aad gudbiso dareenkaaga.

Habaran marka hore asxaabtiisa ama asxaabteeda.

Markii aad dooneeso in aad qof barato ha isku murjin in aad barato marka hore qofka aad dooneeso asxaabtiisa, waxaa ka imaan kara shaki ama in uu qofka ka baqo wixii idin dhex maray in uu ogaado asxaabtiisa, ha ku dag dagin barashada asxaabtiisa iska sugo ilaa iyada ama isaga uu ku baro, barashada ayaa noqoto caqbad iyo in xitaa isaga oo ku raba laga yaabee in uu ka cabsi qabo mid kamid ah asxaabtiisa in uu ogaado waxa idin dhex maray.
Ugurmo xiliyada dhibaatada jirta
Isku day in aad noqoto qof la garab taagan hiil iyo hoo, xiliyada ay jiraan murugada iyo dhibaatooyinka, tusi in uu cidlo aheen, qofka loo gurmada ayaa ku fikiraya wanaaga aad sameesay taas markii dambe aad ka heli doontid qalbi jilicsanaan iyo aragti dagan taas oo marka dambe suurta gal ka dhigta in uu jeceylkaag noqdo meel mar.

Waad Mahadsan tahay, Aragtidaada ka dhiibo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment