20-ka Caado Ee Burburiya Awoodda Aadanaha Qeybtii Koowaad !!

Bulsha:- Maskaxdu waa xubinta ugu muhiimsan  jirka Bani’aadmaka, waa xubinta samaysa shakhsiyaddeena iyo waliba fikirkeenaba , waxaa jira dad Illaaha siiyay awood caqli oo aad u heer saraysa iyo xikmad ka dhigaysa xaalad kasta oo adag inay uga gudbaan si sahlan ,hadaba  si aad u noqoto shakhsi awood badan iska ilaali samaynta waxyaabahan hoos ku xusan.

Inaan Ku fakarto wixii kusoo maray ee dhibaato ah: dadka caqliga badani waxa ay ku fakaraan xaaladda la joogo iyo mustaqbalka dhaw, waxay ogyihii wixii dhacay way dheceen lama yiraahdo maxay ku dhaceen laakiin waxaa la raadiyaa xalka iyo inaanay soo noqon mardambe.

Inuu qofku ka shaqeeyo sidii uu markasta meel amaana ku joogi lahaa: Soomaalidu waxay tiraahdaa balaayoy buulkayga kaa galay laakiin waa xilliga Colaadda markasta maaha, noloshu mararka qaar waxay kaa dalbanaysaa inaad khatarta u badheedho haddii kale wax isbadala oo aad samayn kartaa ma jirto.

Inaanuu qofku dhagaysan ra’yiga dadka kale: dadka doqomada ah ayuun baa aaminsan inay dadka ugu caqli badan yihiin , laakiin dadka caqliga badani waa dadka caqligooda caqliyo kaloo farabadan ku Biiriya.

Isbadal ma jecli : Isbadaku waa muhiim nolosha waliba isbadaka wanaagsan ee hore u socodka leh , Soomaalidu waxay tiraahdaa bartii yaqaan bari uma korodho.

Horumar la’aan: qofka waxaa laga rabaa inuu sameeyo horumar joogto ah, si kastood wax u taqaanno wax un baa kaa maqan.

Inaad noloshaada u dhiibato dad kale iyaguna go’aan ka gaaraan: shookaantana (Isteerinka) kuu hayaan, qofka kaliya ee la rabo inuu noloshiisa hagaamiyaa  waa adiga maxaa yeelay qofka natiija kastaa ay saamaynaysaa oo ama ay ku dhacaysaa waa adiga.

Xaasid-nimada: Hadaad aragto qof horumar sameeyay waad ka yara  qiiroonaysaa, taas xaasid-nimo lama yiraahdo waa dhiiri galin kuu jiidaysa inaad adiguna horumar samayso, laakiin inay kaa gaadho sideebuu ku horumaray, Illaahayow ka qaad nimcadaad oo aniga igu soo wareeji waa arrin khatara xaasidnimada la sheegayaana waa taa.

Qofku inuu ku fakaro waad fashilmaysaa: fikirkeenu waxa uu isku badalaa Aaminaad oo iyaduan isku badasha ficil ficilkuna natiiju keenaa oo fashilkii aad ka baqaysay ayaa kugu dhaca.

Inaad dareento qoomamayn markaad xaalkaaga eegto: Noloshu iyadaaba iska adag caqabado fara badan ayaa ku hareeraysan , dadbaa dhaawac-maya dadbaa dhimanaya, noloshu mawada aha ubax iyo roog ku fidsan wada aad marayso, dhulkaad ku dhacaysaa hadana markale waa la hubaa inaad ku fayso, waxaase lagaa rabaa kalsooni iyo geesinimo.

Inaad Raadiso un dadka kale ceebahooda: waxaa kaaga fiican intaad dad kale ceebahooda raadinayso inaad xoogga saarto inaad is dhisto oo aad ceebahaaga iyo meelaha aad ka liidato xooga saarto taas ayaa natiijadeeda la hubaa horumarkana kuu horseedasa


  Lasoco Qeybta Xigta Ee Maqaalkan:









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment