Wallee La Kala Aabe Fiican Bal Akhriso Qisadan Gaaban Iyo Aabahaan Dadaalka Uu Sameeyay Gabadhiisa..!!

Bulsha:- Ninkii gabadhiisa qabey ayaa u yimid, wuxuuna ku yiri: adeer gabadha waan furayaa. Wuxuu ugu jawaabay: maandhow geelii aan kaa qaatay oo aan hal kuugu daray baan ku siinayaa ee xilahaaga hayso!. Tan kale waan garanayaa sababta aad gabadha ku nacday oo xoolaha kuma fiicna ee ila soo dag.

Wuxuu doonayey in xoolaha dhaqidooda gabadha laga caawiyo; si mushkiladuba u xallisanto.

Kolkii odaygii la weydiiyey sababta waxaas oo tanaasulaad ah uu u sameeyey wuxuu ku jawaabey: ma doonayo in lugu sheekaysto garoobtii ina hebel ahayd baan soo xodxodanayaa!. Mar kale waxaa laga wariyey: ma doonayo gabdho garoobo ah oo la soo wada furay inay guriga isugu yimaadaan oo gambooyinku isaga darmadaan!.

Dhinaca kale waxaa jira aabbeyaal gabdhohooda guurka uga hor-istaaga aad xoolo ka qaadatid darteed oo aan inna ka fakarayn gabadhiisa danteeda iyo baahideeda. Nin kasta oo usoo gogol fariista wuxuu u hayaa hal jawaab oo ah: wallee ilaa aad intaas keentid inaadan shaf saarayn ama wallee in aadan naayaa oranayn ilaa aad intaas soo taagtid!.

Waxaa kasii xanuun badan inuu ku qarqarsiiyo midkii hal dheeraad ah bixiya ha indho la’aado ama hawlgab ha ahaadee.

Waxaa kale oo kuwaas kasii qalbi adag, kana dareen liita midka gabadhiisa oo reer leh ama uur leh ama umul ah gurigeeda ka kaxaysta iyada oo ilmihii ka daba ooyayaan, iyaduna dib sii eegayso oo qalbigeedu seddex qaybood u qaybsan yahay: gacalkeedii iyo ubadkeedii oo laga dhex saaray iyo waalidkeed oo halkaan ula fadhiya habaar iyo duco mid qaado. Waliba aan rajo laga qabin inuu soo celiyo ilaa xoolaha uu rabo la siiyo hadday doonto agtiisa haku gabowdo ama haku silicdee.
Ragow gartu Ilaahay bay taqaane labadaas aabbe sow ma kala fiicna, qalbigooduna sow ma kala naxariis badna?.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment