Waa Maxay Sababata Dumarka JAPAN Ku Kalliftay Inay XAFAAYAD Xirtaan Halkii Ay Musqusha Ka Aadi Lahaayeen?

Bulsha:- Markale ayaa waxaa adduunkaan lagu arkay arrin mucjiso ah, dadku inta badan ma jecla xirashada xafaayadda. Balse dumarka ku nool dalka Japan ayaa intooda badan doortay inay xafaayad xirtaan maalintaas oo dhan bedelkii ay musqulaha aadi lahaayeen.

Warbaahinta Japan ayaa ku waramaeysa inuu sarre u kac ku yimid xafaayadaha dadka qaangaarka ah, waxaana si weyn looga iibsadaa goobaha ganacsiga, inta badan waxaa iibsada dumarka dalkaas Japan kuwaasoo u xirta xafaayadda si ay ugu shaqeystaan waqtigii kaga bixi lahaa inay musqusha kusoo qarash gareeyaan.

Haddii qaab kale loo sharraxo, sababta ay dumarka Japan maalintii oo dhan u xirtaan xafaayadda ayaa waxaa ka dambeeya inay intooda badan ku mashquulsan yihiin shaqadooda, sidaas darteed ma doonayaan inay hal daqiiqo kusoo qarash gareeyaan musqusha bedelkeedana waxay doorteen inay xafaayadda ku shubaan wixii haya markaas, shaqadoodana sii wataan.

Majaladda SPA Magazine ee dalka Japan ayaa waxay arrintaan ka sameysay maqaal dheer oo ay waxyaabo badan kaga hadleyso, waxayna cinwaan uga dhigtay ‘The Ultimate Form of Slob’. Si ay u muujiyaan wahsida dumarka dalkooda.

Dalka Japan ayaa wuxuu ugu horreeyaa dalalka ay ku nool yihiin dumarka ugu nadaafadda daran adduunka, baaritaanno la sameeyey ayaana lagu ogaaday in inta badan dumarka Japan aysan nadiifin qolalkooda, waxayna miisaska kaga tagaan lebiska ay hoos ka xirtaan, halka aysan timahooda ka qaadin halka ay ku shanleystaan.
Haatan majaladda SPA Magazine ayaa waxay bannaanka soo dhigtay macluumaad kale oo muujinaya wahsida dumarka dalkooda Japan maadaama ay daaha ka qaaday inay xirtaan xafaayado si ay uga fogaadaan isticmaalka musqusha.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment