gabada bikro ah qaabka loo furo

Bulsha:- Qodobka aan maanta halkaan idin kugu hayno ayaa ah mid aan dhihi karno waxa uu ka mid yahay tiirarka isgahamka iyo farxada qoska lagu helo. Qodobka aan qaadaa dhigayno waxa weeye dood wanaaga lamaanaha, taasoo lamaanayaal badan aysan sameyn waxaana la dhihi karaa wa sababta qoysas badan oo Soomaaliyeed u la yihiin raaxada iyo isfahamka qoska.


Doodwanaagu waa mid muhiim u ah dhamaan dadkoo dhan, hadii uu ahaan lahaa ganacsade, dhakhtar, iyo shaqaale kale, waxaase uu muhiimad weyn u leeyahay dhinaca lammaanaha, maadaama ay yihiin dadka leh xiriirka isugu dhow ee aadane dhexmara, maxaa yeelay doodwanaagu wa furaha isfahanka iyo isla keenida, waa kanaalka xiriirka aadanaha, waxaad ku cabiraysaa fikirkaaga iyo doonitaankaaga, amase ku qeexaysaa arin ku dhibaysa, sidoo kale isfahanku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan,kuwaas oo hadaba HH ayaa ku leh fiiro gaar ah u yeelo qodobadaan hoos ku xusan si aad fahamto.



Fanka dooda waxaa ka mid ah inaan la istuhmin, ee qof walba uu ka hadlo wuxuu jecel yahay, tusaale, inaad tiraahdo ima ixtiraamto xaaskaaga, waxaa ka fiican inaad tiraahdo, “waxaan jeclaan lahaa inaad ixtiraamto” iyaduna ay tiraahdo “waxaan jeclahay inaad idanayso” waana labada kalmadood ee tuhmada qoyska ugu horeysa, hadii aan la istixraamin reer jiri mayo, balse waa baahi xataa ay caruurtu ubaahan yihiin,marka hagaajiya doodiina, Naaxiye waxa uu idin leeyahay waxaad ku dadaashaan in asbuucii saacado kooban oo la yaqaano dooda loo sameeyo, ku fiicnaan lahaydaa saacad hurdo laga toosay.

Isdhageysi fiican: waxaa jira maqan iyo dhageysi, waa labo kalmadood oo la isku khaldo, waxaase xeel dheer kalmada isdhageysi, waa inaad u maqashid waxa lagu sheegayo adigoo maskaxdaada iyo waaxyaha dareenkaaga ay soo jeedaan, isla markaasna aad muujisid inaad maqlaysid, oo aad madaxa ruxdo, dad badan ayaan helin cid dhageysata, dumarku waxay culumadu nafsigu ku sheegaan in baahidooda ugu horeysa ay tahay in la dhageysto,isla markaasna lala dareemo dhibkooda, wma doonayaan inaad la xaliso mushkiladaan.

Waqtiyada xanaaqa waa in laga taxadaraa: waxay leeyihiin culumada nafsigu, marka laga soo noqdo shaqada, waxaa seyga haysata buuq maskaxeed, wixii uu manta kala sookulmay magaalada, laga yaabo in mashaakil ka qabsaday, tusaale ahaan, nin baa shaqadiisa aaday, wuxuu u tagay supervisorkii oo u xanaaqsan, shaqo hore oo uu qabtay oo wax ka soo noqdeen, markaas ayaa la canaantay, lana ganaaxay, kadibna markii uu shaqada dhamaystay, wuxuu aaday gurigiisii, wadadii ayaa jaam weyn ka jirey, markaas si uu uga baxo jaamka ayuu wadadii jiiray, trafics ayaa ganaaxay lacag badan, markaas uu gurigii usoo dhawaa, ayaa gaarigii ka banjaray, garaash ayuu ku daahay, kadibna wuxuu yimid gurigii maalin xanaaq ah kadib, markii uu gurigii yimid ayay afadiisii kula xisaabtantay inuu alaab soo ilaaway, muxuu samaynayaa, markaas uu xaaskii caayay, waa arimaha maalin kasta dhaca, hadaba naaxiye.com ayaa idin kula talinaysa in loo baahan yahay, in 10 daqiiqo oo ugu horeysa la iska saaro naqaska, gaarigu markuu caburo maxaa lagu sameeyaa, waa la naqas saaraa, markaas ayuu caadi noqon, hadaba waxaan ugu naseexaynayaa raga aadka u shaqeeya in markay guriga tagaan ay qubeystaan, xoogaana ay nastaan, caruurta yaryarna ay la ciyaaraan, markaas kadib in wixii loo baahan yahay laga wadahadlo.

Hooyada sidookale manta oo dhan ayay shaqada kaligeed ku ahayd, marka waa in waqtiga xanaaqa aan laga wada doodin arimaha qoyska.
Sariirta dusheeda waa meesha ugu badan ee dooduhu ku furmaan, waase ka mamnuuc sariirta dusheeda ama qolka jiifkuba inla dhex keeno doodahan, waxaa ku fiican qolka fadhiga, hadii aad qolol kale leedihiin, waxay dhib u keentaa sariirta, waxayna hoos u dhigtaa kalgacalka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment