Atariisho Caan Ka Ah Bollywood Oo Laga Qabtay Sawir Ay Qaawan Tahay (Maxay Ula Jeeday)

Bulsha:- Waxaa sawir qaawan laga qabtay mid ka mid ah atariishooyinka waqtigaan ugu wanaagsan shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry. Si weyn ayaana sawirkaan loogu wadaagay baraha bulshada.

Gabadha sawirkaan laga qabtay waa atariishada caanka ah ee Bollywood Amy Jackson, taasoo ah gabar u dhalatay dalka Britain oo modelka looga dambeeyo.

Waxay ku beegneyd Maalinta Jaceylka Adduunka, atariishada filimka Singh is Bling ayaana waxay akoonkeeda rasmiga ah ee Instagram soo dhigtay sawir aad u ilqabad badnaa. Dad badan ayaana isweydiinaya cidda ka qaaday sawirkaan iyo weliba haddii uu shaqsigaani yahay Amy Jackson?


Illaa haatan Amy ma aysan sharrixin sababta ay usoo bandhigtay sawirkaan ay ka qaawan tahay qeybta sarre, balse ujeedkoodu wuxuu ahaa malaha inay muujiso sida ay ugu dabaaldegeyso Maalinta Jaceylka Adduunka. 25 sanno jirtaan ayaana haatan filimka Robot 2.0 la duubeysa Superstar Rajinikanth iyo Akshay Kumar.
Sidoo kale dhawaan Salman Khan ayaa gabadhaan ambaashadoor uga dhigay hayaddiisa Being Human. Kuna darso Salman iyo Amy ayaa la isku xaman jiray inuu jaceyl ka dhexeeyo, balse atariishada ayaa beenisay wararkaas.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment