Xanuunada ku dhaca xubinta Raga ee ugu badan iyo sida loo daweeyo

Bulsha:- Xanuunka aadan u adkaysan Karin marka galmada ama siigada waxay kamid tahay caawimada aad raadineyso. Waa tan caadooyinka dhibka leh ee guska

Harag oo ku dhagan

Ragga haraga leh cilan ayay ku tahay hadduu ku dhagan yahay. Tani waa marka aad gadaal usoo celineyso xuubka guska. Ciladda ragga qaba xuub ku dhagan aad ayay u xanuun badan tahay inuu galmoodo ama siigaysto. Ama habkiisii qaliin ama daawada cortisone ointment, ragga uu xuubku ku dhagan yahay si fudud ayaa lagu daaweyn karaa.

Frenulum gaaban yahay

Guska caaradiisa hoose waa frenulum aad ayay u jilicsan tahay. Haddii kaar uu kugu hayo halkaas, ama dhiig galmada owgeed, waxaa laga yaabaa inuu yahay frenulum uu gaaban yahay. Ama qaliin ahaan, waa la dheereen karaa siddii xanuunka uu kaaga yaraado ama dhiiga marka galmooto ama siigaysato.

Qoore qalloocan
Ragga badankoodu waxa ay leeyihiin qoore u qalloocan dhinac uun. Sida caadiga ah , taasi wax dhibaato ah ma leh, laakiin marmarka qaarkood ayey adkaan kartaa in galmo la sameeyo. Haddii dhibtaasi jirto waa in aad caafimaad raadsato si laguu caawiyo. Wixii doonaa ha sababeene way fududahay in qoore qalloocan lagu daweeyo camaliyad.

Haddii qooruhu ku jabo.

Wax lafo ahi kuma jiraan qooreha. Sidaa darteed waa wax lala yaabo in aad ka jabto qooreha. Sababta loo yiraahdo wuu jabay waxa laga yaabaa in ay tahay dhawaaqa la maqlo marka wax ku dhacaan. Dhawaaqaasi wuxu u egyahay ka la maqlo marka ay lafi jabto. Taas darteed ayaa la dareemaa xanuun aad u badan oo ka dhasha dhiigga ku furma gudaha qooreha. Caadi ma aha in sidaas qooruhu u jabo, haddiise ay dhacdo waa in aad degdeg ula xiriirto caafimaadka si laguu daweeyo. Qooruhu wuxu jabaa had iyo jeer marka ninku dhabarka u jiifo ee lammaanihiisu ka sarrayso ee ay ku ruxayso.

Qoraalkan waxa hubiyey dhakhtarka liisanka leh ee Victor Garcia oo ku takhasusay caafimaadka guud.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment