Sanado badan kadib Atariisho Caan ah oo shaacisey in ay Lamaanaheedii kala hareen

Bulsha:- Waa dhacdada ugu hadal heeynta badan maanta kadib markii la maqlay in Aktariishadii lagu yaqaanay filimada Tamil-ka ee Gautami uu barteeda Twitter-ka ku shaacisay inay kala hareen iyada iyo odeygeeda Kamal Hassan kadib xiriir socday 13 sano.

Labadaane lamaane ayaa waxaa ay wada noolaayeen oo xiriir ka dhexeeyey muddo 13 sano ah , laakiin warka hada la maqlay ayaa waali ku noqday dhegaha taageeriyaashooda , sidoo kale waxaa ay xitaa aktarada ku sheegtay arintaan inay tahay arin dhaawac weeyn geeysandoonta.

Gautami ayaa si rasmi ah barteeda ay ku leedahay Twitter-ka uga shaacisay warkaan , waxaana ay sheegtay in maanta oo ku beegan 1 November ay ahayd mudada xiriirkooda ay go’aan ka qaadan lahaayeen.

”Waa arin niyad jab ah xaqiiqdii wali aniga ayey gaar ahaan ii dhaaweceeysaa , inaan idiin la wadaago inaan wax badan oo sii dheer aan wada noolaankarin aniga iyo Mr Hassan kadib nolol farxad badan oo aan soo wada qaadanay 13 sano oo lasoo dhaafay.


”Waad la socotaan si fudud inaan xiriir dhab ah lagu fasixikarin , waxaan sidoo kale dareemayaa inuu yahay go’aankii ugu adkaa ee aan nolosheeyda qaato.

Dhanka kale Aktaradaan waxaa ay sheegtay inaysan marna xaqiridoono xushmada iyo taageerida ay mar waliba u heeysey Mr Hassan xitaa ka hor inta aysan kusoo biirin aflaanta , balse waxyaabo badan oo iska bedelay nolosheeda ayey maanta go’aansatay inay kala tageen iyada iyo Odeygeeda xiriirkii wada noolaanshahana uu dhamaaday.


— Gautami (@gautamitads) November 1, 2016

”Waxaan jelaan lahaan inaan kula wadaaago waxa kusoo kordhay nolosheeyda , maxaa yeelay mar waliba waxaan ku noolaa noloshaada, sharaftaada, iyo inaad isiisay awood waliba, laakiin waxaan dareemay in wadooyin badan ay i horyaalaan, waxaan xaqiiqdii kaa helay jaceeyl iyo taageerid fiican 29 sano ee ugu dambeeysey , waxaana jeclaan lahaa inaan ku dhow Mahadsanid.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment