Dareenka Nolasha iyo Sifaha Jaceylka, Erayo Macaan oo Lamaanaha Jaceyl Wadaaga ah Farxada Galinaya

Bulsha:- Nolosha:Qodobkan oo ah ka uu qoraalkani  ku socd ayaa ah : “Naftaada waan kaa jeclahay”.

Waxaa hubaal ah in maanta aduunyada dhan walbaa horumar laga gaadhay, oo is badal weyni ku yimid dhinacyo badan oo ku salaysan nolosha aadmaha.

Haddaba jacaylku waa shayga ugu qaalisan ama cilmiga ugu macaa ee uu Eeba aduunyada inagu siiyay.

Waxaase mudooyin kii danbe isa so taraaya, in gabi ahaanba uu mustaqbalkii jacaylku ka sii dhamaanaayo shaashadaha aduunyada oo uu noqonaayo shay aan xiiso lahayn. islamarkaasina uu mutaystay dib usocodnimo.

In kastoo uu cilmiga jacaylku balaadhan yahay haddana waxa an filayaa qeybtan aan ka hadlaayo waa ta ugu culus, uguna fahanka adag ee ugu mihiimsan. Waa tan ay wadaagaan lamaanuhu.

Sidda qaldan ee jacaylka loo isticmaalay maanta aduunka iyo dhalan-roga lagu sameeyay, ee aan diin iyo dhaqan toona shaqo ku lahayn, cilmiga jacaylka, waa kii hadraawi lahaa sagaashanadi isaga oo og wax yaabaha halista badan ee aduun ka soosocda.

Cilmigan dalandoolka badan

Damiirku ka meydka yahay

Ragg iyo dumarkii furfuray

Intuu dumarkii is baday

Ragii qaar dumar ka dhigay!

Diin iyo dhaqan waa lagu kala duwan yahay. Inagu dad kalaynu nahay darkii nabigaynu nahay csw islaam xalan baynu nahay.

Muslim ayaanu nahay oo jacaylka sidda loogu tala galay ayaan u isticmaalnaa. Lakiin waxaa jirta in cilmigii jacaylku uu dibusocdnimo mutaystay ama la majro habaabiyay oo lagu soo kordhiyay wax aan ku jirin oo wax aan ku tiriyo aan garan waayay iyo dib iyo horay toona midka uu u socdo. Haddaba soomalida iyo waxyaabaha ay jacaylka ku so kordhiyeen akhristoo ila arag bal waan u bogee!

Amaantii oo noqotay cay lakiin la isku turqaayo aakhirkeeda!
Waxa aad tahay tuug weyn, waayo wadnaheyga aad xaday.  Tuducdan danbe ee odhanaysa (waayo wadnahaygaad xaday) waxaan anigu u arkaa amaan, waayo qof qof kale wadnihii wuu qaadan karaa. Adiga ayaaba og in uu xadee! Balse in qof hadal go’an oo hakad lehayn lagu dhaho sidda; tuug ayaad tahay. waxaan u arka ka badbadis aan cilmi iyo aqli toona ku fadhiyin, amaana aan raad ku lahayn.

Amaantii oo laga bad badiyay deetana danbaab dhashay
Haddaba labadan qodob ee aan kor ku sheegay kiisa labaad waan ka gaabsaday. Ujeedada oo ah aniga oon rabin in aan qof ama abwaan ka daba danbaabo. Sida oo kale, waan ka  gaabsaday in aan tusaale ka bixiyo, taasi raali galin ayaan kaa siinaya akhristoow.

Cilmiga jacaylku waa shay qaaliya, isla markaasina ku haboon in sidiisa loogu dhaqmo loona barto.

Waxaa qurux badan in si fudud oo diin iyo dhaqan leh loo isticmaalo, intii laga badbadin lahaa, islamarkaana uu noqon lahaa jacaylku shay aan macno lahayn ama aan xiiso lahayn.

Haddii aan u soo noqdo ujeedada koobaad ee igu dhalisay maqalkan aan ugu magac daray “Qodobka ugu qaalisan qodobada jacaylka lamaanaha” u jeedadiisu waa in aan soo bandhigo xikmad jacayl ama qodob jacayl oo cajiib ah, oo aad u bogi doontaan marka aad maqashaan isla markaasina ah qodobo aan dhagihiinu wali horay u maqal.

Runtii horay waan u maqalnay, qof qof ku leh naftayda waan kaa jeclahay, Badse wali ma maqashay qof qof kale ku leh “Naftaada waan kaa jecelahay”

Waa qof qof-naftiisa ka jeclaaday, hadda akhristoow fahamku waa shay qaaliyee maahan in uu qofkan uu lamaanihiisa naftiisa ka jeclaaday. laakiin uu iyada teeda ka jeclaaday. Tani waxa ay ka dhigan tahay jacayl aad u qaado gabadh nafteeda ood ku leedahay – adiga iyo aniga-  aniga ayaa naftaada kaa jecel. Sidee?

Sidee ayay ku dhici kartaa inuu qof, qof kale naftiisa ka jeclaado?

Sidee qof naftayda iiga jeclaan karaa?

Taas oo jawaabtu tahay in uu qofku la jecel yahay lamaanhiisa wanaag badan, kana dhowrayo dhib oo dhan.

Balse jacaylka nuucan oo kale ah qofka uu helay ama erayadan isticmaalya, waxaan odhan karnaa waa qof jacayl dhab ah hayo, soo arkay, gaadhayna heer jacayl laga gaadho ka ugu sareeya.

Runtii qodobkan jacayl ee aan sida sahlan loo fahmi karin ama loo isticmaali karin ayaa ah mid cusub oo yimid sanadkan 2011, isla markaasina aan u hibeeyay dhamaan lamaanaha soomaaliyeed ee jacayl wadaaga ah. ( I love your life more then you love it ama Naftaada wan kaa jeclahay )

Anigu lama yaabani, sobobta uu qof naftayda iiga jeclaan karo, balse waxaa la yaabanahay jacaylka haya qofkaan. Way adag tahay sidda naagtu/ninku ay ku fahmaan qodobkan jacayl.

Badse waxa hubaal ah marka ay fahamto naftu in ay dareemi doonto jacayl iyo is badal weyn oo nolosheeda ku yimaada. Waxayna dareemi naftu qiimaha uu iyada agteeda ka leeyahay qof iyada nafteeda ka jecel. Qofkaasi waa qof abaal kugu leh, meel weyna ka dagay laabtaada.

Lama soo koobi karo qiimaha aan u hayo qof naftayda iga jecel iska daa tiisee. Laakiin waxaa jirta in jacaylku uuna ahayn wax gali kara kaftan ama iska yeel-yeel ama dhalanteed. Runtii waxaa aan odhan karnaa waa shay ku abuurma maskaxda aadmaha, isla markaana uu fahmo qofka uu Alle fahansiiyo.

Xikmadan jacayl ee cajiibka ah ee odhanaysa “Naftaada waan kaa jeclahay” waa mid kuu fudaydinaysa nafta wax jecel sidda ay ku hanan karto qalbiga qofka ay jeclaatay.

Waxaa kale oo jira xikmado jacayl oo layaab leh isla markaasina ah kuwo uu jacayl ka buuxo oo dhuuxa qofka kala daadinaaya, naftu marka ay maqashana ay la daaq tagi doonto ama ay gali doonto mawjado fikir oo jacayl iyo layaab badan. Kadibna ay dareemi doonto jacaylka iyo nolosha dhabta ah, qiimayn weyna ku samayn doonta. Meel muhiim ahna ka dhegi doonta laabtaa qofka naftaada kaa jeclaaday.

Sababtii igu dhalisay in aan keeno xikmadan, una curiyay sheekada  ku saabsan jacaylka ee ah “Naftaada waan kaa jeclahay” ayaa ah in aan uga digo akhristaha in uu si fudud ugu dhahdo lamaanahiisa “Naftaada waan kaa jeclahay” asag oonan dareen kaas qabin ama ayna dhab ka ahayn. Hana fududaysan xikmadan jacayl







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment