28 fariimo jaceyl oo xul ah cusub

Bulsha:- Anagoo horay idiin kaga balan qaadanay in aan asbuuciiba idin so gudbino xikmado jacay ayaa waxa aa maanta halkan ku soo qaadan doonaa 10 qodob oo ka turjumaya jacaylka u dhexeeya lamaanah kala fog. Hadaba waa kuwan ee ka faaideyso.

1. Nolasheyda dhan in aan ku daawado ayaan doonayaa, waxaan doonayaa in aan bogeyga kugu haaysto habeenkii oo idil. Marka aad dhaqaaqeyso talaabo welba oo aad qaado ayay indhahaygu doonayaan in ay ku doogsadaan.  laakiin taasi iima suurto galeyso maxaa yeelay waqtigaa ina kala fogeeyay xubi.

2. Kala fogaanshaha aan kala fognahay makala qeybin karto wadnayasheena ku midoobay jaceyl dhaba ah, hadii ay noo dhaxeeyaan malyuumaad kiiloo mitir xasuusteena ayaa hal seken kuso gooyn oo xili walbana xusuusteena wada joogta oo jirkeena uun baa kala fog qalbi.

3. Qalbi duufaanada ayaan kuugu soodhiibaa shumis iyo fariimo culus oo ka turjumaya xinjiraha wadnaheyga uu ku shaqeeyo, waqtiga xigana biriqda roobka ayaan kuugu soo dhiibi doonaa nafteyda.

4. Waan ogahay, ma imaan karo halkaad joogto, dhib maleh waan ku sugayaa caawa, waana ku duceysanaya markan indhaha xero in aan riyada ku kulano oo aan nafta ku wadaagno.

5. Kumanaan miles ayaa noo dhaxeeyo, hadana ma kala maqnin xubi, waayo qalbiyadeena ayaa mideeysan.


6. Meel walbo ood aado, wax walba oo aad sameyso, waqti walba oo ina kala fogeeya, hadana baahidaan kuu qabo igama nusqaanto, oo weli waan ku sugayaa.

7. Marka aan ku tabo sawiradada ayaan daawadaa, xusuus ban galaa, lakin markan xusuusto anagoo wada jogno waan iloobaa inaan kala fognahay oo gacmahan xabadka kudhajiyaa anoo ilmeynaa.

8. Marka aad aniga i xasuusato eeg dayaxa caleemahiisa iyo quruxdiisa, waayo, dayaxa hadaad eegto ana aan eego isla waqtigaas labadeenaba waan wada aragnahalkaas dayax markaoalbi miyaanan isla joogin ma anagaa kala fog.

9. Marka aad dareento kelinimo oo waqtigu noo saamaxayn in aan wada jogno, fiiri farahaaga inta banaan ee udhaxeyso, kadib xusuuso xiligaan faraheyga ku buuxinaayay farahaaga inta ka banaan, waayo, ogowna samirka ayey nafteena baraneysaa.

10. Qalbi saqda dhexe, habeenkii marka aan gacanta meel ebar ah ku haabto waan xumaada, waan fikiraa iyo kutabaa, hadana waxa niyada iidejiyo anoo aaminsan in aad booskaas isoo buuxin doonto, aan bogeyga kugu haaysan doono, oo aan la dagaalamaaya in aan sidaan ukala fogaano markale.


fg: Maqaalada uu qoraagan diyaariyo si qaldana looma isticmaali karo. Waxna lagama badali karo sidaan horay ugu aragnay maqaaladii hore oo si aan sharci ahayn loo isticmaalay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment