Iman Abdulmajid oo geeri kale naxdin leh ku dhacday: Sawirro

Bulsha:- Gabadha soomaaliyeed ee dharka iyo walxaha la isku qurxiyo ka ganacsata Iman Abdulmajid ayaa waxaa mudo laba bilood gudohooda soo wajahay labo geeri oo naxdin leh kuwaas oo ku kala yimid odaygeeda David Bowie iyo hooyadeed oo shalay geeriyootay.

Odeygeeda David Bowie ayaa isagu u geeriyooday cududrka dilaaga ah ee loo yaqaan Kankarada bishii Janaayo ee sanadkan, geeridaas oo naxdin iyo murugo ku abuurtay bahda fanka ee caalamka isagoona David ka mid ahaa ragga ugu caansan fanka adduunka.

Si kastaba tacsida labaad ayaa dhacday shalay, iyadoona Imaan ay weysay hooyadeed Maryan Baadi, sida ay iyaduba kusoo bandhigtay barteeda sawirrada ee Instagram.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment