Waxaan Damcay In Aan Guursado, Laakin Waxaan Kala Kulmay Shuruudaan Adag ..!

Bulsha:- Nin dhalinyar ah ayaa inuu guursado damcay, kadibna waxa uu waraystay dadkay isku magaalada ahaayeen markaasaa loo sheegay inay jirto gabadh aad u ixtiraam badan isla markaana la dhaqan iyo akhlaaq fiican, kadibna isla markiiba ninkani wuxuu go’aansaday inuu gabadhaasi guursado.

Gabadhii ayaa ay is arkeen kadibna waa uu ku qancay, waxyar kadibna waxaabuu diray tolkii siday ula soo xaalaan reerka ay ka dhalatay gabadhani.

Aabihii gabadha dhalay ayaa markii inantiisa la waydiistay waxa uu ku jawaabay aynu iyada waraysano marka hore inay ninka rabto, hadii ay tidhaadho haa anigu waxba kama qabo oo inantayda waan siinaya, sidii ayaa la isku raacay oo loo wada baqoolay dhinacii gabadha si loo waydiiyo go’aanka kama dambaysta ah.

Markii lala kulmay iyadii ayaa waxay ku jawaabtay waan guursanayaa ninkan hadii uu hal shardi kaliyaata kasoo baxo, iyada oo fariintan soo fartay tolkiisii si ay isaga ugu sheegaan.

Sidaadii ay usoo noqdeen ee uu ula kulmay ayaa waxa lagu dhahay ninkii” Gabadhii waa lagu siinayaa oo way ku ogolaatay balse waxa ay kugu xidhay hal shardi, waxa ay tidhi : ANIGU NINKAN WAXA AAN GUURSANAYAA KALIYA HADII UU BALLAN QAADAYO IN AANUU HOOYADII KA DHAQAAQO”

Ninkii ayaa isagoon meel fogba jawaabtii ka baadhin ku yidhi tolkii “Intaad ku noqotaan waxaad ku tidhaahdaan anigu wax hablo ah oo ila dhashay ma haysto, hooyadayna aniga ayay ilaa waligay ila joogaysaa hadii aad igu raacayso iyo hadii kaleba, mana guursan rabo gabadh aan jeclayn hooyaday iyo reerkayaga”.

Gabadhii ayaa sidaasi loogu sheegay arinkii, iyana si lama filaan ah ayay ay tidhi hadalkan ” Wallaahi waan doonayaa inaan ninkan guursado waayo qof aan hooyadii xaqeeda garani gabadhiisana xaqa ay ku leedahay dhawri maayo, waxaanaan shardigayga uga jeeday si aan u ogaado jacaylka uu u hayo hooyadii inta uu leegyahay, waana hubaal mar hadii uu hooyadii sidaas u ilaalinayo inaan aniguna agtiisa naxariis iyo wanaag kala kulmi doono.”

Ilaahayow soo hadee dhamaan dhalinyarta muslimiinta rag iyo dumarba, nagana dhig waalidiinta kuwii xaqooda garta.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment