DAAWO: Daroogiistaha El Chapo Guzman oo La Qabtay (VIDEO)

Bulsha:-   Ninka Daroogada ka ganacsada ee ugu caansan dalka Mexico iyo caalamka intiisa kale ee Guzman (El Chapo) ayaa waxaa mar sadexaad laga soo qabtay isaga oo ku sugan Hoteel ku yaala Magaalada lagu magacaabo Los Mochis ee dalka Mexico.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dalka Mexico ayaa sheegay inay ku baxeen ka dib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka ayna waaberigii maalintii jimcaha galeen guri ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo Guzman El Chapo ee Sinaola.

Rasaas xoogan oo halkaasi la isku dhaafsaday ayaa la sheegay in lagu dilay 5 qof oo waardiye ka ahaa guriga, iyadoo 6 kalena la dhaawacay lana xiray.

Baxsashadii el Chapo lix bilood ka hor ayaa waxay waji gabax weyn ay ku noqotay xukuumadda dalkaasi, ayadoo uu ka fakaday mid ka mid ah xabsiyada sida aadka ah loo waardiyeeyo ee ku yaal dalkaasi Mexico.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment