Ragu Qurux IYO Raaxo Ayey U Arkaan Naagaha Dibka Weyn Laakin Xaalku Waa Sidee

Bulsha:- Sida la wada og yahay waxaa aalaaba la arkaa in raggu amaanaan, kana helaan dumarka gadaal u weyn, ayadoo nin walbaaba hadii la weydiiyo sababta uusan si saxa uga jawaabi karin, balse uu kuu cadeynayo in ay uun iska wanaagsan tahay haweeneyda dabada u weyn, ishuna ay la dhaceyso.
Si kastaba, haba la amaano, ragguna haka daba hutiyaano haweenka daba weyn, ma ogtahay in ay jiraan arimo dhibaato ku haya haweenka futada weyn, oo sababaya in aysan iyaga qudhoodu ku faraxsaneyn miisaanka gadaal ka saaran.
Hadaba halkaan  ayaan ku soo bandhigeynaa  5 dhibaato oo ay qabaan haweenka gadaal u weyn, ayna jeclaan lahaayeen in laga bedelo, anagoo raacineyna sawiro daliil u ah arimahaan, arimahana waxaa fahmi kara oo kali ah haweenka nuucaan ah.
1- Marka haweeneyda gadaal u weyni ay meel bulsha badani joogaan is dhahdo ku sateecso, ceebtaan ayey ka dhaxashaa

2- Marka ay koox asxaab ah sawir xusuusa la gasho, isha dadku sawirkeeda unbeey abaartaa, cuqdad ayeyna ka qaadaa haweeneyda nuucaan ahi.

3- Marka dadku baranayaan, wejiga ayagoon ku mashquulin ayey gadaal ishoodu qabataa, taasna waxaa ka dhasha faduulin iyo is dhibsi.

4- Marka ay meel jaran jaro ah, ama dalcad ah koreyso, marnaba ma jeclo in gadaasheeda uu qof socdo

5- Si walboo ay dhar fiican oo ku dhegan jirkeedana soo saaraya u xirato, dharkaasi ma noqdaan kuwa waara, waxa ayna durba noqdaan calal (kuwa duugooba) waxeyna badanaa u baahan tahay dhar cusub waayo dabadeeda ayaa intaas kiilo ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment