Wasiir Odowaa oo lagu wado inuu xilka ka qaado guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifatax [Xog]

Bulsha:- Waxaa shalay soo if baxay isku dhac cusub oo u dhexeeya wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, Wasiirka Aminga Qaranka Cabdirasaq Cumar oo isku dhinac ah, iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Kaasoo ka biyo diiday guddi 14 qof ka kooban oo uu shalay ku dhawaaqay Wasiir Odowaa.

Cabdifatax Afrax, ayaa u sheegay wariyaha Caasimada Online, in aanu marnaba aqbali doonin in Odowaa uu ka sameeyo waxa uu rabo. Sh. Dhexe iyo Hiiraan iyagaa dadkooda iyo siyaasadoodaba ka tashanaayo. Odowaa car waa kaase Kismaayo guddi ha u sameeyo ama Baydhabo?

Waxa la wado waa in la sameeyo Federal State. Mana yeeleyno in Odowaa Iyo Cabdiraxman Caynte iyo Alla Sheekh aay wax noo magacaabaan ayuu yiri Gud. Cabdifatax.


Waxaa Caasimada Online aay heshay xog in wasiir Odowaa uu rabo in uu xil ka qaadis ku sameeyo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, xogta ayaa intaa ku dareysa in Xasan Sheekh uu kula heshiiyay Xildhibaan Goodax in looga danbeeyo maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh. Dhexe.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment