Aqriso Daraasad Cusub Liiska Ragga Aduunka UGu Qalabka Weyn, Tolow Ragga Soomaaliada Xageey Ugu Jirtaa

Bulsha:- Daraasad ay sameeysay The scientific journal Personality and Individual Differences oo dhawaan la daabacay,  ayaa waxa ay sheegtay in celcelis ahaan cabirka Guska dheer ama weyn ee Ragga ku nool Caalamka marka uu kacsanyahay uu yahay 12 to 16 centimeters (4.7 to 6.3 inches)..

Marka loo eego Cilmi baaristan, Ragga ka soo jeeda Jamhuuriyadda Congo ayaa waxa ay noqdeen kuwa kaalinta 1-aad kaga jira, kuwaa oo cabirka Guskooda lagu qiyaasay in uu gaaraya 18cm kaa oo u dhigma 7.1 inches.

Cilmi baaristan ayaa intii ay socotay waxaa  lagu sameeyay Ragga ka soo kale jeeda 113 Dal.

Qaarad ahaan, Ragga Afrikanta ah ayaa ugu Gus weyn, halka woqooyiga bari ee Asia ay yihiin kuwa Caalamka ugu Gus yar.

Soomaaliya ayaa waxa ay hoos tageysaa wadama afrikaanta ah ee laga yaabay qalabkooda inta uu dhan yahay, iyadoo waliba celcelis ahaan lagu qiyaasay dhererka Guska Ragga Soomaalida ah 17.8 cm oo u dhiganta 7.00 inches.


Nimanka reer Iceland ayaa loo tiriyaa Ragga  ugu Gus weyn, marka la eego dalalka ku yaal qaarada Yurub.

Ragga Waqooyiga Kuuriya iyo Koofurta ayaa waxa ay ka dhaceen kaalinta ugu hooweysa, waxa ayna noqonayaan kuwa Aduunka ugu Gus yar marka la ee go Daraasadan , iyadoo celcelis ahaan la 9.6 cm Rag Waqooyiga Kuuriya ka dhacay, iyadoo celcelis ahaan la 9.6 cm ama 3.8 inches.



Cilmi baaristan ayaa waxaa soo saaray Dr Richard Lynn, Michael Walls oo ah Professor of  Psychology ee Jaamacadda Ulster.

Halkan hoose waxaa ku qoran Liiska dhowr ka mid ah tirada guska celcelis ahaan iyo dalalka ay kasoo kale jeedaa, cabir ahaana waa sentimitir:




Republic of Congo, 18
Somalia, 17.8 cm
Ecuador, 17.7
Ghana, 17.2
Colombia 17
Iceland 16.5
Italy 15.7
South Africa 15.2
Sweden 14.9
Greece 14.7
Germany 14.4
New Zealand 13.9
UK 13.9
Canada 13.9
Spain 13.9
France 13.4
Australia 13.2
Russia 13.2
USA 12.9
Ireland 12.7
Romania 12.7
China 10.9
India 10
Thailand 10                               
2-da Korea 9.6                              

W/Q : Abdul







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment